Daawo:- Wiil ay wada casheeyeen ayaa dilay” – Dhacdo kale oo xanuun badan oo ka dhacday magaalada Muqdisho

Bulsha:- Dhacdo kale oo xanuun leh ayaa xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii wiil dhallinyaro ah oo sawir qaade ahaa lagu dilay xaafada Tarabuunka.

Abuukar Muukhtaar, oo ahaa Aabe 39 jir ah, islamarkaana ku shaqeysta xirfadda sawir qaadista ayaa waxaa dilay nin ay saaxiibo ahaayeen, oo dilak ka hor ay ka wada casheeyeen gurigiisa.

Dilka ayaa yimid kadib markii qofka lagu tuhmayo fal dambiyeedkan uu qaatay taleefonka Abuukar, ayada oo Abuukar uu kadib isku dayey inuu ka doonto, balse beddelkeeda la dilay, sida ay sheegeen ehelkiisa.

Dilka ayaa waxaa la sheegay dilka loo adeegsaday Toorey Abuukar looga dhuftay qoorta.

Aabahaan ayaa la sheegay marka uu gurigiisa ka baxayey inuu wiil uu dhalay ku dhahay “Aabe labada daan iga shumi inaan soo noqon ayaa laga yaabaa’e,” waxaana daqiiqado kadib qoyskiisa soo gaartay dhimashada wiilkooda.

Marxuumka la dilay ayaa waxay shaqdiisa aheyd duubista Aroosyada iyo xafladaha, sidoo kalana wuxuu ku shaqeysan jiray xirfadda qurxinta guryaha.

“Abuukar moobeelkiisa ayuu jaajar gashtay, waxaa kadib yimid wiilka dili doono kadibna qaatay moobeelkiisa, isagana sariirta ayuu iska koray oo ma ogeyn in moobeelka laga qaatay. Gabar meesha fadhisay ayaa  tiri Moobeelkaaga ayuu kaa qaatay, wuu kasoo daba orday markii uu damcay inuu moobeelkiisa kasoo qaato oo uu ka daba tagayna Toorey ayaa lagu dhuftay naftana dhulka lama dhicin,” ayey tiri hooyo kamid ah ehelka marxuumka.


Ehelada wiilka la dilay ayaa magaca gacan ku dhiiglaha falkaan geystay ku sheegay Bishaar Farabadne oo ay ahaayeen daris, waxayna sheegeen inaysan aqoon halka uu aaday.

Ehelada marxuumka ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay cadaaladda hor keeneyn ninka ka dambeeyey dilka wiilkooda.

Maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayey dilal yaab leh oo intooda badan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan dowladda mana jirto illaa hadda cid la hor keenay Caddaaladda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment