Khilaafkii ka dhex taagnaa Madaxda Somaliland ee Muqdisho oo la xaliyay

Bulsha:- Mad-madowhii maalmihii la soo dhaafay soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee ku saabsanaa Arrinta doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa xal laga haaray, iyadoo la isku afgartay in la dardar geliyo howlaha doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay labadan Mas’uul ee ugu sareeya siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana la isku afgartay in arrimaha mad-madowga ka dhex jira la dhammeeyo, horayna loo socdo.

Dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, waxaana la isku hayay cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.


Waxaana markii u dambeysay lagu heshiiyay in labada dhinac wadajir u maamulaan doorashada xubnaha labada Aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment