Daawo:- Ciidamada DF oo howl-gal ku burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda maanta ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan si gaar ah loogu burburiyey xarumo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Gambarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo dhammaan hoostaga gobolkaasi, kadib markii ay ciidamadu gudaha u galeen deegaanadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen fariisimo ay dagaalayahanada kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna la wareegeen gabi ahaan gacan ku heynta saddexdaas deegaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale xarumo cusub ka sameystay halkaasi, waxayna saraakiisha horkaceysa sheegeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in lagu kor dagaalamo, maadaama ay labada dhinac wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.


Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ay sida weyn ugu xoogan tahay Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro khasaare kala duwan geysta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment