Sababta Wasiir Jamaal uu shaqada ka eryey agaasimihii guud ee wasaaradda qorsheynta

Bulsha:- Wasiirka wasaarada qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaqadii ka joojiyey agaasimaha guud ee wasaaraddaas, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Aadan, kadib eedeymo loo soo jeediyey.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka, isla-markaana lagu socodsiiyey ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabayo xilka laga qaaday agaasimaha, iyada oo si KMG ah xilkaas loogu dhiibay Asad Yuusuf oo ahaa madaxa xiriirka ee deeq-bixiyeyaasha.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-12-2021 in Cabdiqaadir Maxamed Aadan laga joojiyey ku howlgalidda xilka agaasimaha guud ee waasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Agaasimaha shaqada laga joojiyey ee Cabdiqaadir Maxamed ayaa waxaa la sheegay inay cabasho xoogan ka keeneen waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda iyo shaqaalahaba.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu sameeyey ku takri fal awoodeed oo ka dhan ah shaqaalaha ka howl-galka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Hay’adaha kale ee dowladda ayaa sidoo kale la faray inay inay la shaqeeyaan agaasimaha cusub, isla-markaana ay gacan ku siiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

“Waxaan dhammaan hay’adda dowladda ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan gacana ku siiyaan gudasha waajibaadkiisa shaqo sii hayaha xilka agaasimaha guud ee waasaradda,” ayaa markale lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda qorsheynta.


Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa ka mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan dowladda, waxayna qabataa shaqooyin badan oo gudaha iyo dibadda isugu jira.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment