Dowlad goboleedka Jubaland oo hab ka duwan Galmudug iyo K/Galbeed u qabaneysa doorashada

Bulsha:- Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay liiska xubnaha guddiyada ee soo xulaya ergada dooraneysa lixda kursi ee ugu horreeya xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya degaanada maamulkaas gaar ahaan degmada Kismaayo.

Guddiga doorashada ee Jubbaland ayaa soo gudbiyey liiska guddiyada ergada diyaaranaya, waxayna isugu jiraan oday dhaqameedyo iyo bulshada rayidka ah.

“Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT waxay halkan kusoo gudbinayaan Guddiyada xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah ee la shaaciyay 23/12/2021 kuwaasoo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan dawlad Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga hirgelinta doorashada ee Jubbaland.

Doorashada lixdan kursi ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo oo haatan laga dareemayo qaban-qaabo xoogan.

Jubbaland ayaa u muuqata inay si ka duwan maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed u qabaneyso doorashada Golaha Shacabka, waana maamul goboleedkii ugu horreeyey ee soo bandhiga guddiga soo xulaya ergooyinka, taas oo aysan horey u sameyn maamullada kale.

Sidoo kale waxay tallaabadan fure u noqoneysaa hannaanka daah furnaanta ee doorashada Golaha Shacabka oo haatan cabasho xoogan ay ka muujinayaan xubnaha mucaaradka.


Si kastaba, doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo martay ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, walow ay weli dood ka taagan tahay dhammeystirkeeda.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment