Xogta:- Faroole, Gaas iyo CC Sharmaa’arke oo ku sii jeeda Puntland

Bulsha:- Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo uu wehliyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa maanta u kicitimay Puntland.

Mas’uuliyiintan oo ay wehliyaan xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ayaa saacadaha soo socda gaari doono magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ujeedka safarka madaxdan ayaa la xiriira sida ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda dagaal ee Boosaaso.

Faroole, Gaas oiyo Sharmaa’arke ayaa wada-hadallo ka dhex bilaabi doono Puntland & PSF, waxayna sidoo kale la kulmi doonaa Ismida dhaqanka ee haatan ku howlan sidii wax looga qaban lahaa muranka ka dhashay xil ka qaadistii agaasimaha PSF-ta.

Socdaalka mas’uuliyadda oo aad loo soo dhoweeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo xalay Deni uu jeediyey khudbad xasaasi ah oo kaga hadlay xaalka Boosaaso kuna baaqay nabad.

Puntland ayaa xaalad dagaal gashay, kadib go’aankii xil ka qaadista ee General Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid talaabada uu qaaday madaxweynaha maamulkaasi.

Dagaalkii Boosaaso ayaa sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, walow qaarkood ay haatab dib ugu soo laabteen guryahooda.


Si kastaba, lama oga sida ay kusoo dhammaan doonto arrinta, waxaase laga war dhowrayaa dadaallada nabadeed ee haatan ka socda deegaanada Puntland.














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment