Qarax xildhibaano lagu dhaawacay oo ka dhacay JOWHAR

Bulsha:- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Kulmis ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, waxaana ka mid ah xubnahaas Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf C/qaadir Karaani, kuwaas oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka magaalada.

Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ku jira mid ka mid nabadoonada magaalada Jowhar iyo dad kale oo shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha uu weerarka qaraxa ah ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, waxaana weli socda baaritaano dheeraad ah.

Jowhar ayaa waxaa muddooyinkii  dambe ka dhacayey weeraro kala duwan oo qaarkood horay loogu beesaday xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo dhaawacyo ay kasoo gaareen.


Si kastaba, magaaladan ayaa ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment