Raila Odinga oo markii shanaad u tartamaya madaxweynaha Kenya

Bulsha:- Hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug caddaaga ah Raila Odinga ayaa Jimcihii shalay bilaabay ololihiisa shanaad ee doorashada madaxtinimada Kenya, isaga oo markan taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay hore u cadaawad siyaasadeed ugala dhexeysay.

Codbixiyeyaasha ayaa lagu wadaa in ay codeeyaan bisha Ogosto ee sanadka soo socoda, iyadoo Kenyatta aanu gali doonin doorashadan, maadaama dastuurka Kenya uu dhigayo in aanu tartami karin inka badan laba xilli oo min shan sano ah.

Odinga ayaa ku ammaanay Kenyatta inuu billaabay wadahadal ay ku midoobeen afar sano kahor kadib khilaaf xooggan oo ka dhashay codbixintii 2017-kii.

"Waxay u baahan tahay khibrad in nin uu u gacan-qaado ninka ay is hayaan," ayuu u sheegay Odinga tobannaan kun oo ka tirsan taageereyaasha xisbigiisa ODM oo isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Nairobi.

Saddexdii doorasho ee ugu dambeeyay Odinga waxa ay doorashooyinkii 2007 iyo 2013, taageerayaashiisu ka mudaaharaadeen natiijada doorashada, isaga oo sidoo kale maxkamadda la aaday natiiijada doorashooyinkaas, waxana uu sheegay in isagu uu ku guuleystay, laakiin laga xaday.

Isku dhacyo sababay dhimasho ayaa sidoo kale ka dhashay doorashooyinkii 2007 iyo 2017.

Laakin waxa uu heshiis nabadeed la galay madaxweyne Kenyatta horraantii 2018-kii, isaga oo dhinaca isaga riixay ku xigeenka Kenyatta, William Ruto, oo isna si weyn u soo bandhigay hammigiisa madaxtinimo.

Dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda Kenyatta iyo madax kale ayaa ka qeyb galay daahfurka ololaha Odinga.


Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga madaxweyne Kenyatta ee Jubilee, isagoo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha uu garab taagan yahay Odinga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment