Nin Burka lagu iibiyo Dukaamada Sakiin iyo masaabiir gelin jiray oo Xukun lagu riday.

Bulsha:- Ninkaan oo lagu magacaabo Nicholas Mitchell, oo 39 sano jir ah, kuna nool magaalada Dover ee state ka New Hampshire ee Maraykan ka, ayaa lagu xukumay 4 sano iyo sagaal bilood.
 
Nin kaan ayaa samayn jiray arrin waalliya, wuxuu sakiin iyo masaabiir gelin jiray bur ka. Intuu supermarkets-yada tako ayuu si tartiib ah bur ka yaalla supermarket-ka wuxuu u dhex gelin jiray sakiin ama musbaar.
 
Dad ku noolaa magaalooyinka Sanford, Maine iyo Donver ee waddanka Maraykan ka ayaa marar badan burka ay soo gataan, waxay ku arkaan sakiin ama musbaar.

 
Arrintaan oo boolis ka loo sheegay, ayaa baaritaan dheer kadib, waxay kaamirooyin Supermarkets-yada ku xiran duubeen, ninkaan oo marar badan intuu galo tukaamo oo agfariisto bur ka meeshuu yaallo, haddana kasoo baxaya tukaankii isagoona waxba gadan.
 

Ninkaan ayaa la qabtay oo baaritaan lagu sameeyay, deedna dambigii wuu qirtay. Isagoo ooyaya ayuu yiri “Aad baan uga xumahay, isma lahayn cid dhibaatee, laakiin waxaan rabaay inaa shaqadaydii ku noqdo.” Ninkaan ayaa shirkadda burkaan leh shaqada ka cayrisay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment