Puntland oo sheegtay in ay howlgal ku qabatay qaraxyo ay diyaariyeen Al-Shabaab

Bulsha:- Ciidamada difaaca Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hawlgallo qorshaysan ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab , sidoo kalena ay ku qabteen waxyaabo qarxa oo ay diyaariyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegen in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee howllgalka lagu sameeyay wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada saraakiisha Ciidamada Puntland.

Saraakiisha Ciidamada difaaca ayaa Puntland Post sheegay in hawgalkaas oo lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin silsiladda Golis islamarkaana gacanta lagu dhigay qaraxyo ay diyaariyeen Al-shabaab.


Degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo marar badan ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Puntland sida ay sheegeen Ciidamada Puntland.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment