Askartii la geeyey Eritrea ‘oo dhowaan lasoo celinyo si loogu qabsado’ saddex magaalo

Bulsha:- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyey qorshe uu sheegay in dowladda federaalka ay kumanaan askar ah uga dejinayso magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ujeedka askartaas loo geynayo magaalooyinkaas ay tahay sidii madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka u galin lahaa dagaal ahli ah, islamarkaana uu xoog ugu qabsan lahaa, sida uu sheegay.

“Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka. Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Farmaajo uusan aheyn shaqsi tallada dalka ku wareejinaya doorasho, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la iska qabto ka hor inta uu burbur u horseedin dalka.

“Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin.”




“Waaliddiinta horay loo siray waa in aysan oggolaan in ubadkooda la halligo oo dabka lagu guro, inaguna waan la duubanahay sidii aan horay ula jirnay,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment