Isimada Puntland oo go’aan cusub kasoo saaray xiisadda PSF kadib baaqii uu diiday Deni

Bulsha:-  Qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa soo saaray baaq cusub kasoo saaray xiisadda ka dhex oogan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Isimada soo saaray baaqa oo gaaraya 12 ayaa taageeray go’aanadii horey uga soo baxay Isimada ka horreeyey, marka laga reebo hal qodob oo ah in milkiyadda hubka, ciidanka iyo agabka kale ee PSF loo reebo agaasimaha xilka laga qaaday.

Go’aankii Isimada hore, gaar ahaan qodobka dhigaya in hubka iyo hantida PSF uu si gaar ah u qaato agaasimihii hore, ayaa waxaa ku gacan seeray xukuumadda Puntland, oo ku tilmaamtay “mid meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. “

Baaqa cusub ee Isimada kasoo baxay ayey kusoo jeediyeen in agaasimihii xilka laga qaaday loo reebo agab iyo ciidan ku filan amnigiisa kaliya, maadaama, bey yiraahdeen, uu ku soo shaqeeyey xaalad adag.

Isimada ayaa sidoo kale taageeray baaqii Isimada ka horreeyey ee ahaa inay dhaqan-gasho wareegtadii uu madaxweyne Deni xilka uga qaaday agaasimihii hore 24-kii November 2021.

Isimada 12-ka ah ayaa soo saaray qodobada hoos ku qoran:

• In hantida PSF looga reebo agaasmihii hore agab iyo ciidan ku filan aminigiisa maadaama uu ku soo shaqeeyeyxaalado adag.

• Anagoo ixtiraamayna kala duwanaanshaha fikirka iyo tanasulka oo lafdhabar u ah nolosha aadanaha, waxan sidoodii ku qaadanay afarta qodob oo kale; qodobka 1-aad, 3-aad,4-aad iyo 5-aad.

Mmarkaanu midaynay shantii qodob waxay u qormayaan sidan:

1- Waa inay dhaqangashaa digreetadii madaxwwaynaha Puntland, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedaduna ahayd xil-lka qaadistil lagu sameeyey agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, laguna magacaabay Sarreeyo Guuto Maxamed Amiin Xaaji Cabdullaahi Khayr.

2- Waa in hantida PSF looga reebo agaasmihi hore agab iyo ciidan ku filan amnigiisa maadaama uu kusoo shaqeeyey xaalad adag.

3- Waa in dawladu siisaa ciidamada PSF xuquuqdii ka maqnayd 13-ka bilood.

4- Waa in ay dawladdu bixisaa kharashka ilaalada gaarka ah ee Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment