Maxaad kala socotaa tartanka neefkii Geella ee ku guuleysta la siinayo $66 milyan

Bulsha:- In ka badan 40 geel ah ayaa tartanka quruxda Geela ee dalka Sacuudiga laga reebay ka dib markii la ogaaday in irbad lagu muday si faruuryuhu u waynaadaan isla markana qaarkood loo soo mariyay waxyaabah jirka lagu qurxiyo.

Tartankan oo lagu magacaabo tartanka boqor Cabdulcasiis ayaa waxaa lagu bixiyaa abaalmarino qaali ah.

Tartanka quruxda Geela ayaa qofka uu geelkiisu ku guuleysto waxaa la siinayaa lacag dhan $66 milyan oo doolar. Waxyaabaha la eegayo tartankan waxaa ka mid ah faruuryo dhaadheer, San balaaran iyo kurus dheer.

Garsoorayaasha ayaa wsaxay adeegsadeen tiknoolajiyad hormarsan si loo kala saaro geela asalka ah iyo kuwa la isticmaalay kimikooyiin si loo qurxiyo.

Qabanqaabiyayaasha tartankan ayaa waxay sheegeen inay “aad ugu faraxsan yihiin in ay joojiyeen geela qurxinta aan dabiiciga ahayn lagu sameeyay islamarkana waxay ballanqaadeen in mustaqbalka ay soo rogi doonaan ganaaxyo adag si looga hortago khiyaanada .











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment