Sawirro:- Nin xeelad yaab leh ku raaci jiray dayuuradaha oo xabsi loo taxaabay

Bulsha:- Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu qabtay Magaalada Delhi, kadib markii la ogaaday in qaab la yaab leh u ku raaci jiray diyaaradaha.

Rajan Mahbubani oo da’diisu ay tahay 48 sano jir ayaa sameystay oo xiran jiray direyska duuliyeyaasha shirkadda duulimaadyada ee Lufthansa, si uu u khaldo shaqaalaha garoonka, looguna oggolaado in uu ka gudbo albaabada la isku baaro.

Marka uu yimaado garoonka toos u geli jiray diyaaradda uu doonayo in uu ku safro, isagoo aanan wax baaritaan ah marin.

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Hindiya ayaa kusoo warrantay in sababta uu sidaas u sameyn jiray ay tahay in uu garoonka kala dhoofo alaabo laga yaabo in ilaalada garoonka ay qaban lahaayeen ama ay sharci darro tahay in lala dhoofo, sidaas na uu ku dhaafi jiray goobaha la isku baaro.

Farsamada uu adeegsan jiray ayaa u shaqeysay Rajan kahor inta aanan lagu xirin garoonka Gandhi International.

Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in markii la ogaaday ninkan uu doonayay in uu raaco diyaarad ay leedahay shirkadda AirAsia oo kusii jeeday Magaalada Kolkata.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment