Mareykanka oo Madaxda dowlad Goboleedyada uga digay dib u dhaca doorashada

Bulsha:- Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay markale ka dalbaday Madaxda dowlad Goboleedyada ibay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada, si degdeg ahna u soo gabagabeeyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, hufan oo loo dhan yahay

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in ay muhiim tahay in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan

“Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya”ayaa lagu yiri” Warka lagu qoray Twitterka Safaaradda Mareykanka.

Warkaan kasoo yeeray Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, sidoo kalena Midowga Musharrixiinta ay dalbadeen in la joojiyo doorashada, iyaga oo sheegay in boob lagu haayo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment