Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo Geelle?

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay caasimadda dalkaas ee Jabuuti.

Labada Hoggaamiye ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada shacab.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage oo kulmisay boqolaal ka mid ah aqoonyahanka iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed, si loo darso duruufaha iyo mustaqbalka dadkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti diyaar uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah.”


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, waxa uuna sheegay in ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment