Waxaa suurta-gal ah in AL-SHABAAB ay hakiyaan doorashada dalka Waxaa yiri..

Bulsha:- Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys amni oo xoog leh saartay Galmudug, xalay waxay la wareegeen deegaan kala bara Guriceel iyo Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Ceel-dheere oo 30-kiilo mitir u jira xarunta Galmudug.

Sidoo kale Al-Shabaab Isniin waxay qabsadeen magaalada Matabaan, intii ay heysteen magaalooyinkaas waxay burburiyeen xarumihii danta guud ee hey’adaha dowladda ay ku shaqeynayeen.

Haddaba, waa maxay hadafka Al-Shabaab ka leedahay weerarradaan? Waxaa su’aashaas la weydiiyey Samiira Gayd oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Hiraal Institute oo u warantay Idaacadda VOA.

Samiira ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay daciifnimo ka dareemeen maamulka Galmudug oo aysan isku xireyn hey’adaha ammaanka ee ka howlgala deegaanada maamulkaas.

“Al-Shabaab waxay ka faa’iideysanayaan dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, dagaalkii Ahlu-Sunna, Galmudug iyo dowladda dhexe waxaad moodaa in saameyn weyn uu ku yeeshay xaaladda ammaan ee Galmudug,” ayey yiri Samiira.

Waxa ay sheegtay in xilligii ay Ahlu-Sunna heysatay deegaanka ay shacabka iyo hey’adaha ammaanku wada shaqeyn jireen, balse hadda wadashaqeyntaasi ay meesha ka baxday.

“Xilligaas deegaanada qaar fadhiyo ciidan kuma oolin, laakiin shacabka ayaa xogta ka caawi jiray hey’adaha ammaanka, waxay soo sheegi jireen inta aysan Shabaab soo dhawaan, balse hadda waxaan maqleynaa in ilaa todoba magaalo ay soo dul dageen Al-Shabaab, taasi waxay ku tusee in shacabka iyo hey’adaha ammaanka Galmudug ay kala fogaadeen,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Samiira Gayd.

Samiira oo sii hadleysay waxa ay sheegtay in markii hore cabsi badan laga qabay in Al-Shabaab ay doorashada ku milmaan, balse hadda aysan muuqan taasi, laakiin ay macquul tahay in doorashada dhan ay hakad geliyaan, markii loo fiiyo culeysyada amni ee soo kordhay

“Hadii culeyskaan ay ku sii kordhiyaan Galmudug, waxaa shaki geli doonta in doorasho lagu qaban karo deegaanada maamulkaas,” ayey tiri Samiira Gayd oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Hiraal Institute.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment