Maalqabeen caan ah oo hawada sare u aaday si uu ugu soo ciyaaro (Sawirro)

Bulsha:- Nin bilyaneer ah oo u dhashay dalka Japan ayaa u duulay hawada sare gaar ahaan xarunta caalamiga ah ee dayax gacmeedyada, waxa uu noqonaya shaqsigii ugu horeeyay oo caadi ah oo mudooyinkan u duula hawada sare.

Yusaku Maezawa, oo ah bilyaneer u dhashay dalka Japan ayaa Dayax gacmeed Ruushku leeyahay ka raacay xarun ku taala dalka Kazakhstan,waxaana ninkan hawada sare ku maqnaan doonaa 12 maalmood.

Bilyaneerkan safarka uu hawada sare ugu amba baxay waxaa ku wehliya cirbixiyeen Ruushka u dhashay oo lagu magacaabo Alexander Misurkin iyo nin kale oo isna caan ah oo lagu magacaabo Yozo Hirano.

Qoraal uu soo saaray Bilyaneer Yusaku Maezawa, ayuu ku sheegay in uu marar badan ku riyoon jiray in uu u safro meel aysan dadku wax badan ka ogeyn uu ula jeeday hawada sare ayna hada u rumowday riyadiisa.

Maalqabeenkan ayaa sidoo kale sheegay inta uu hawada sare ku maqan yahay u qorsheesan tahay in uu qabto howlo badan ay ku jiraan in hawada sare kusoo ciyaaro ciyaarta loo yaqaan golf.




Ninkan hawada sare u duulay ayaana safarkan ku bixiyay lacag malaayiin dollar ah, waxaana ninkan oo kamid ah dadka ugu hantida badan dalka Japan si weyn looga hadal hayaa dalkaasi iyo wadamo badan oo caalamka kuyaala.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment