Diyaarado sida ciidamo Soomaali ah oo dalka kusoo wajahan iyo cabsi soo korortay

Bulsha:- Waxaa malmaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan 12 diyaaradood oo wada Ciidamo lagu soo tababaray waddanka Eritrea, kuwaas oo hadal heyn aad u fara badan ay ka dhalatay intii ay tababarka ku maqnaayeen.

Ciidankaan oo markii tababarka loo qaadayay tiro ahaan kor u dhaafayay 5,000 oo Askari ayey xoguhu hadda sheegayaan in ka hareen 3,600 oo Askari, Xilli Dowladda Federaalka waayadii hore lagu eedeyn jiray in Ciidamo Soomaali ah oo tababar loo diray ay qayb ka ahayeen dagaalo ka dhacay gudaha waddamada Itoobiya iyo Eritrea.

Dhanka kale hadal heyn fara badan ayaa ka dhalatay dib usoo celinta ciidankaan, xilli Musharrax C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsan Midowga Musharraxiinta uu sheegay in Ciidankaan loo keenayo in waddanka la geliyo dagaal sokeeye ( Martial law).

Illo Xog-ogaal ah oo ka tirsan Hay’adda NISA ayaa sidoo kale  sheegay in soo dhaweynta ciidankaan loo magacaabay Guddi ay qayb ka yihiin rag ka mid ahaa Ciidankii Badbaado Qaran ee muddo korarsiga ka hor istaagay Farmaajo.


Lama oga sida ciidankan ay xaalad kale ugu soo kordhin karaa dalka iyadoo ay xusid mudantahay in badi ciidamadan ay yihiin kuwa dhalinyaro ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment