Askari dil u geestay Dhalinyaro banooni ciyaareesay oo Xukun dil ah lagu riday

Bulsha:- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta  xukun dil ah ku riday askari katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya oo dhawaan si bareer ah magaalada Balad Xaawo ugu dilay labo wiil oo dhalinyaro ahaa.

Maxkamada ayaa ku heshay Dable NISA Maxamed Cali Xuseen, in Bishii November ee sanadkaan degmada Beled-Xaawo ku dilay labo wiil oo lagu kala magacaabayay Axmed Sharmaake Cabdullaahi & Sakariye Axmed Gaarane oo Shacab ahaa.

Askarigaan ayaa dhalinyarada uu dilay ugu tagay garoon ay kubad ku ciyaarayeen kadibna halkaasi ku dilay, askarigana ayaana baxsaday dilka markii uu geestay kadib, iyadoona ugu dambeyn ciidamada amaanka soo qabteen.


Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in dood dheer kadib dable NISA Maxamed Cali Xuseen lagu riday xukun dil toogasho oo ah qisaasta labada marxuum.




Dilalka ciidamada dowlada u geesanayaan dadka shacabka ayaa mudooyinkan kusoo kordhay magaalada Muqdisho, habeeno kahor ayeyna aheyd markii ciidamo katirsan dowlada laamiga Maka Al mukarama ugu dileen sadex dhalinyaro ah oo wadada socday.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment