Daawo:- Askari ka tirsan Dowladda oo sabab yaab leh Muqdisho ugu dilay hooyo heysatay 9 Carruur ah

Bulsha:-  Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa Xaafadda Xoosh Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku dilay Faadumo Cali Cismaan (Faay Beeso) oo aheyd Hooyo korsaneysay 9 Carruur agoon ah sida ay sheegeen ehelkeeda.

Askariga dilka geystay ayaa qori ku taagay carruurta Hooyada uu dilay, muran kaddib waxa ay Faadumo u sheegtay in ay ku dacweyneyso Qofka uu ilaalada u ahaa balse inta aysan garaacin Guriga ayuu ku dhuftay rasaas.

“Ilmaha maxaad qoriga iiga taagtaa maad iiga dhaaftid mise Taliyahaaga ayaan kugu dacweynaya ayay tiri, markey albaabka guriga sarkaalka daganaa ay garaacis ku bilaawdayna dhowr xabadood ayuu ku dhuftay oo Caloosha, Kilida iyo Minka ayey kaga dhaceen, ilmaheda markey soo baxeena baas ayuu ku furay oo Alle ayaa ka badbaadiyay, kadib asne wuu cararay oo wuu fakaday” ayay tiri hooyo daris la aheyd marxuumada gardarada lagu dilay.

Ehelka Marxuumad Faadumo Cali Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay gacanta kusoo dhigto Askariga Dilka geystay ee baxsaday si caddaaladda loo horgeeyo.

“9 Carruur ah ayay guriga ku heysatay oo iyada ayaa u shaqeyn jirtay oo mas’uuliyaddooda qaadatay, waxa aan ka codsaneynaa Dowladda in caddaaladda la horgeeyo oo lasoo qabto askariga dilkaas geystay” ayay tiri Haweeney ehel la ah Marxuumad Faadumo Cali.

Dadka ku nool degmada Dharkiinleey ayaa dhacdaan si weyn uga argagaxay kuwaas oo dalbaday in dowladda Soomaaliya si deg deg ah cadaalad ugu keento dilka xaqdarada ah ee loo geystay hooyada la dagaalameysay korinta nolosha 9 caruur ah oo ay haystay oo agoon u badnaa.


Muqdisho maalmahii lasoo dhaafay waxay askarta dowladda siyaabo kala duwan oo bareer ah ugu dileen dad shacab ah oo aanan waxba galabsan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment