Jubbaland oo dooratay XILDHIBAANKII ugu horreeyey ee BF Somalia

Bulsha:- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Kursigii ugu horreeyey oo la qabtay doorashadiisa ayaa waxaa kusoo baxay Dr. Xamza Barre oo loo doortay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Dr. Xamza ayaa ehlay 69 cod, halka musharraxii la tartamayayna uu isna helay 17 cod, sidoo kale 15 cod ayaa halaabay, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Jubbaland.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, iyada oo la guda-galayo shanta kursi ee kale ee loo qorsheeyey in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhanka kale ballan-qaaday inuu u qabanayo musharixiinta tartan furan oo cadaalad ah.

Qabashada doorashada lixdan kursi ee ka imaanaya Jubbaland, ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka uu ku jiro xaalad kacsanaan ah oo ka dhalay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.


Si kastaba, Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada taageerada u muujiyey ra’iisul wasaaraha, waxaana doorashada ay qabaneyso ay ku garab istaageysaa Rooble oo haatan doonayo in la dadajiyo doorashada, si loo soo dhammeystiro xubnaha baarlamaanka dalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment