Cabdullahi Maxamed Nuur oo Yaasiin Farey u qabtay inuu 48 saac kusoo gudbiyo warbixinta Mukhtaar Roobow

Bulsha:- Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray dalab culus oo la xiriira xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi ugu jiro dowladda Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray ku simaha agaasimaha hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xaalada Roobow.

Wasiirka ayaa u qabtay 48 saac hay’adda nabad sugidda inay uga soo jawaabto dalabkiisa, isaga oo intaasi ku daray inay cabasho kasoo gaartay ehellada Abuu Mansuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dalbanayaan cadaalad, maadaama uu muddo dheer xiran yahay Sheekha oo laga soo qabtay magaalada Baydhabo, xilli uu ahaa musharrax.

“Waxa la farayaa ku simaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka inuu soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo la xariirta xariga Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay xafiiska wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa xiran tan 2019-kii, kadib markii ay magaalada Baydhabo kasoo qabteen ciidamada Itoobiya, kadibna loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho.

Dalabka xasaasiga ah ee ka soo baxay wasiirka amniga gudaha ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyey aad looga deyrinayey xaaladda caafimaad ee Sheekh Mukhtaar.


Si kastaba, xilliga uu soo baxay go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Lafta Gareen uu ka horyimid ra’iisul wasaare Rooble, isla-markaana uu la saftay madaxweyne Farmaajo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment