Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo deg deg Maanta imaanaya Muqdisho

Bulsha:- Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Cali Guudlaawe Xuseen.

labada Madaxweyne ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay Magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah.

Safarka labada Madaxweyne ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay  khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya RW Rooble iyo Farmaajo kaas oo gaaray meeshii ugu sarreysay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Madaxweyne ee Hir-Shabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble si xal buuxa loo gaaro.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment