Itoobiya oo sheegtay in TPLF ay ka qabsatay magaalooyin dhowr ah

Bulsha:- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay guullo muhiim ah ka soo hoyisay dagaalka ay kula jirto fallaagada TPLF ee ka dagaallanta waqooyiga dalkaasi.

Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo dhaca gobolka Amxaarada halkaas oo ay heysteen fallaagada TPLF.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda ay shaacisay inay dib ula wareegtay deegaanno dhaca gobolka Canfarta.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan la arkayay isaga oo ku labisan tuutaha militeriga xilli uu ciidamadiisa kula sugnaa jiidda hore ee dagaalka.

Waxaana adag in la xaqiijiyo wararka ka imaanaya furriimaha hore ee dagaalka.


Hadalkan ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Shiinaha uu booqasho ku tegay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo madaxda dowladda Itoobiya.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment