Barkhad Jaamac Batuun: Waxaa billaabmeysa fool xumada Somaliland haddii…

Bulsha:- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada dowladda ay rasaas ka ridaan gudaha Golaha, kadib gacan ka hadal dhexmaray xildhibaano ka wada tirsan golaha.

Kulankii Isniinta ee golaha ayaa waxaa hareeyey buuq xoogan, xildhibaanada qaar ayaa kulanka bannaanka uga soo baxay, waxaana kadib doodooda ay sababtay inay is gacan qaadaan xubno ka kala tirsan mucaaradka iyo muxaafadka.

Waxa uu sheegay in fool xumada Somaliland ay ka billaaban doonto ficilada aan laga fiirsan, ee ay kow ka tahay kala dambeyn la’aanta hay’adaha dowliga, sida uu hadalka u dhigay.

“Gola-weynaha Wakiilada Somaliland waxaa ka dhacay arrin runtii laf jab ku ah jiritaankeena dowladnimo, sharciyadeena, sharafta golaha iyo rejada shacabka codka siiyay xildhibaanada golaha jooga, runtii damqasho badan iyo dareen aad u weyn ayay dhalisay in Golahii wakiilada dhexdiisa ka dhacdo xabad,” ayuu yiri Barkhad Batuun.

Waxa uu intaas kusii daray inay sharci darro tahay in askari ka tirsan ciidamada dowladda oo u gacan qaado Xildhibaan xasaanad leh, taasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay fara-gelin qaawan oo ay golaha ku hayso Madaxtooyada Somaliland.

“Xildhibaanadu iyaga ayaa isku baarlamaan ah oo isku kuraas ah, is qabsigii iyo gacan ka hadalkii xildhibaanada qaar dhex-maray markiiba waa kii dhamaaday, waxaa meesha taalla goorma ayaa qof ciidan ah oo direys xidhan uu xildhibaan gacan u qaadi karaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Golaha uu ka madax banaan yahay xisbiyada iyo xukuumadda, islamarkaana fara-gelintiisa ay tahay sharci darro, midaasi oo ku eedeyay inuu ku howlan yahay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Muuqaallo dhex wareegayay baraha bulshada ayaa laga dheehanayay laba xildhibaan oo is feeraya, islamarkaana ay kala qabanayaan qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada, kadibna ay kusoo baxeen ciidamada amaanka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment