AXMED MADOOBE oo ceel kusii riday rajadii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka

Bulsha:- Hoggaamiyaha maamulka Jubbalad Axmed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa u dhaqaaqay dhinaca doorashada, xilli saaxiibadiisii mucaaradka ay dalbanayaan in doorashada la hakiyo oo laga doodo caqabadaha taagan ee ka dhashay habkii loo wajahay kuraasta illaa iyo hadda la doortay ee Golaha Shacabka.

Axmed Madoobe wuxuu ku jiray dhowr dhinac oo ay mucaaradka rajo ka qabeen in aysan bilaabi doonin doroashada Golaha Shacabka inta laga xalinayo cabashadooda, balse sida muuqata xarigga ayuu u jiray, wuxuuna u dhaqaaqay dhinac aysan jecleysan.

Maalmahaan waxaa jiray dooda laba dhinac laga waday waa dhanka Madaxweyne Farmaajo iyo dhanka xubnaha mucaaradka, doodu waxay tahay ‘sidee loo heli karaa xal ka duwan doorashadaan boobka ah iyo maxaa la wada qabsan karaa?’

Waxaa howshaan bilaabay oo welina wada xildhibaano iyo siyaasiyiin ku dhow dhow madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka kasoo horjeeda.

Guuxaas waxaa la aaminsan yahay in uusan jacleysan ama uusan farxad gelin hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo dhinacyada la shaqeeya.

Mar walba oo ay siyaasiyiinta Xamar fadhisa ee Farmaajo iyo mucaaradkiisu fahmaan mudnaantooda waxaa lumaya miisaanka madaxda maamul Goboleedyada, sidaas darteed madaxda Gobolada ma rabaan in Farmaajo ama mucaaradku midkoodna inuu miisaan culus yeesho si aysan iyagu meesha uga bixin.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu Xalay sii daayey 14 Kursi oo Golaha Shacabka ah, taariikhda la qabanayo doorashada kuraastaas lama shaacin, laakiin farriinta liiskaan waa in Deni iyo Axmed Madoobe dhabarka xijiyeen mucaaradkii ay maalmaha adag soo wada-qaateen.

Hoggaamiyaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa isna Isniintii ku laabtay magaalada Jowhar, waxaa jira warar sheegaya inuu ka fakarayo inuu bilaabo doorashada Golaha Shacabka. Guudlaawe weli iskama uusan xalin xiisaddii ka jirtay magaalada Beledweyne.

Haddii Puntland iyo Hirshabelle iyaguna ku dhawaaqaan bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo ay kuraas soo saaraan waxay ka dhigan tahay in doodii mucaaradka la aasay.

Dhinacyada u furan mucaaradka iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan ayaa soo koobmi kara. Axmed Madoobe wuxuu sanadkaan dhisayaa Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida iska cad Saciid Deni wuu ku qanacsan yahay tallaabada uu xalay qaaday Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu isna liiskiisa shaaciyo, wallow uu weli ku mashquulsan yahay soo afjaridda xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.


Labadaan hoggaamiye waxay rabaan inay muujiyaan inay jirto awood seddexaad oo iskeed u taagan oo aan aheyn Farmaajo iyo midowga musharixiinta.

Mucaaradka way sii liicayaan hadda, waxay u muuqdaan rag aan fursad badan heysan, tallaabooyinka u furana qaarkood iskuma raacsana, waa rag aan isku mowqif aheyn, maamul Goboleed taageersan uusan jirin, soo jeedintoodiina aysan hadda wax badali karin.

Inay ka qeyb-galaan doorashadaan boobka ah ee natiijadeeda la yaqaano, inay kala tagaan, inay Farmaajo la heshiiyaan iyo inay tallaabo Militari qaadaan midda u fududaata ayaa la eegayaa maalmaha soo socda.

Dad badan ayaa qaba in seddaxda todobaad ee soo aadan ay wax weyn iska badali karaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment