Dagaalyahanada Al-Shabaab oo qabsaday Ceel-dheere

Bulsha:- Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel-dhee ee gobolka Galguguud oo Dhuusamreeb u jira 30 KM, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan iyo dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa deegaanka kula wareegay dagaal la’aan, sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka. 

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, islamarkana ay bur-buriyeen xarumihii maamulka iyo ciidanka ee ku yaalay Ceel-dheere, kadib markii ay qarax ku xireen.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey qabsaday deegaankan kadibna baxay, waxaana ugu dambeysay horaantii sanadkan oo ay deegaanka kula wareegeen dagaal ay la galeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale, 14-kii November 2020 ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, inkastoo saacado ka dib ay dib uga baxeen.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale Isniintii qabsatay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, inkasta oo markii dambe ay dib uga baxeen.

Hujuumka Shabaabka ee gobollada dhexe waxay ku soo aadaysaa, iyadoo uu meesha ka baxay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo dagaal adag kula jiray deegaano bandanna ka saaray.


Ahlu Sunna ayaa muddadii laba iyo tobanka sano ee Gobolada Dhexe ka hawlgaleysay waxay ku guuleysatay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caagan weerarada Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment