Al-Shabaab oo la wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Bulsha:- Xubno katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Degmada Matabaan ayaa waxaa gacanta ku haayay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyo maleeshiyaad tiro yar , balse la sheegay inay isaga baxeen markii ay kusoo dhawaadeen Al-Shabaab.

Shalay Al-Shabaab waxaa ay la wareegeen deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoos taga degmada Matabaan, iyaga oo aan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadii ku sugnaa.

Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse Maamul ahaan hoostagta Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna, waxaana taliyaha Booliska degmada Matabaan dhawaan si KMG ah loogu Magacaabay Taliyaha Booliska Guriceel.


Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada qeynta 27aad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment