Arrinta Farmaajo ‘uga muhiimsan in markale dib loo doorto’

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ay wax walba uga muhiimsan yihiin inuu meel-mariyo labadii sano ee muddo kororsiga.

Waxa uu sheegay in go’aanka muddo kororisga uu yahay mid xataa kala weyn in uu markale dib loo doorto oo uu soo laabto, maadama uu si buuxda u hubin waxa kasoo bixi doona doorashooyinka.

“Aniga aqoon ayaa u leeyahay xaalad walba ayaa isla so marnay, wax walba waxaa uga muhiimsan in uu meelmariyo labadii sano, go’aankaas xataa in isaga uu madaxweyne soo noqdo waa uga muhiimsan tahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dooda ka taagan kuraasta qaarkood iyo hadal haynta ka taagan ay tahay mid dabooleysa hanaanka qaldan ee doorashada iyo muddo dhaafkeeda, taasi oo uu sheegay inay si dadban ugu meelmarinayso muddo kororsiga uu rabo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“In kuraasta lagu mashquulo aniga waxaa u arkaa inay tahay istaraatijiyada ay wadato dowladda oo ujeedada tahay yaan la fiirin wax weyn oo haleysan, ha lagu mashquulo kursiga Yaasiin Farey iyo kursiga hebelow, markay qir iyo qir gaarto ha la fasaxo.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay doorashada Golaha Shacabka ka dhasheen cabashooyin badan oo la xiriira kuraas si gaar ah loogu xiray shaqsiyaas, ayada oo laga hor istaagay musharaxiin u taagna iyo nabaddoonadii saxiixahooda rasmiga laha.

Inkasta oo ay socota doorashada haddana waxaa jira gaabis badan oo ku yimid jadwalka loo asteeyay, taasi oo muddo kale ugu sii daraya in madaxweyne Farmaajo uu sii dhex fadhiyo Villa Somalia, midaasi oo si adag uga horyimaadeen mucaaridka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment