Yaa lagu soo qabtay howl-galkii ka dhacay Kaaraan?

Bulsha:- Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howl-gal ballaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa horkacayey taliyaha cusub ee saldhigga Kaaraan Salaad Caraale, waxaana lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Wararka ayaa sheegaya in dadka lasoo qab-qabtay ay ku jiraaan kooxo burcad ah oo dhac baahsan habeenadii ka geysan jiray gudaha degmadaasi, kuwaas oo xabsiga la dhigay.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro koox koox isugu xiran oo ciyaal weero ah, kuwaas oo iyaguna ay dhubaato ku qabeen dadka deegaanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka oo ka hadlay howl-galkan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay sidii loo sugi lahaa amniga degmada Kaaraan oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal lidd ku ah amniga, una badan dhaca dadka shacabka ah.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada ka bilowday halkaasi, si looga hortago burcadda iyo dadka ku howlan amni darrada.

Kaaraan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka mid aheyd degmooyinka ugu badan ee laga soo warinayey falalka amni darada ah waxaana ay qaylo dhaan kasoo yeereysay shacabka.




Si kastaba, ciidamada Booliska ee Soomaaliya ayaa habeenadii lasoo dhaafay iyaguna xoojiyey howl-gallada magaalada Muqdisho o ay ka socota doorashada Golaha Shacabka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment