Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland oo shaaciyay eedeymo yaab leh oo Coldoon u xiran yahay saddex bil ka badan

Bulsha:- Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa soo bandhigay eedeymo uu sheegay in markale loo xiray Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ah Samafale ka shaqeeya arrimaha bini-aadantimada.

Coldoon ayaa xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021, waxaana kamid ah eedeymaha loo haysto Dacaayad Qaran Dumisnimo ah, Faafinta Warar Been Abuur ah iyo Aflagaadeyn Siyaasiyiinta Golaha Sharci Dejinta Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Coldoon uu ku kacay Ceebayn ka dhan ah Iskuulada Abaarso, Jaamacada Barwaaqo iyo ardeyda dhigata, kuwaasi oo uu sheegay in lagu dhigto wax ka baxsan dhaqanka suuban iyo shareecada Islaamka, sida lagu sheegay qoraalka.

Inta badan cadeymaha loo cuskanayo eedeymaha Coldoon ayaa waxaa laga soo min-guuriyay qoraaladiisi uu ku qori jiray bartiisa Facebook.

“Waxaa faafisay dacaayaado qaran dumisnimo ah adigoo sheegay in Abaarso iyo Jaamacada Barwaaqo la keenay bulshada aduunka ugu guracan ee sameeya waxa uu bila’aadanku daaye xayawaankuna ka xishoodo oo ah in uu Labku Labka u tago, Dhadiguna dhadiga u tago, arrintaas oo dacaayad aad u shaki galinaysa waxbarashada Somaliland.”

Waxaa xusid mudan in Markhaatiyada ku xusan waraaqda uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ay qeyb ka yihiin dhibanayaasha, midaasi oo ayaduna noqotay mid la yaab leh, maadama Dhibane uu noqon karin Markhaati.

“Waxaa Maxkamadda ka codsanaynaa inay noo mudeyso, noona cayinto goorta iyo wakhtiga la dhageysan doono dacwadan, soona saarto talaabooyinka kale ee la xidhiidha dacwadan,” ayaa ugu dambeyntiina lagu qoraalka.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment