Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay xalay magaalada Baydhabo

Bulsha:- Wararka ka imananaya magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa sheegaya in xalay xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Jugta madaafiicyo la isu adeegsaday ayaa xalay laga maqlay magaalada Baydhabo iyadoo la isu weydaarsaday madaafiic iyo rasaas xoog leh.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay madaafiic ku rideen halka laga soo tuuray hoobiyaal sidoo kale waxaa rasaas laga maqlay mid kamid ah saldhigyada ciidamada booliska magaalada Baydhabo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan xalay ka dhacay Baydhabo iyadoo uu ku soo beegmay xilli magaalada Baydhabo shalay lagu doortay qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Koofurgalbeed iyo ururka Alshabaab oo la xiriira dagaalka xalay ka dhacay Baydhabo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment