Doorasho:- Maxaa kasoo kordhay kursigii Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari?

Bulsha:-  Xubnaha Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa kulan Baydhabo kula qaatay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), waxayna ka wada-hadleen xaaladaha ka soo kordhay doorashooyinka, gaar ahaan cabashada ka timid kuraasta illaa iyo hadda la doortay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo u warramay wariyeyaasha ayaa kulanka kadib ka warbixiyey waxyaabaha ay diiradda saareen guddiyada doorashooyinka iyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, wuxuuna sheegay in ujeedka ay Baydhabo u tageen ay la xiriirto wax ka qabashada cabashooyinka kasoo laabtay iyo sida wax loo maareeyay.

“Socodka aan Baydhabo ku tagnay waxaa qayb ka ah in aan la kulano Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo aan fadhi kala yeelanay arrimaha doorashooyinka, cabashooyinka kasoo laabtay & sida wax loo maareyay” ayuu yiri Maxamed Xasan Ciro oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dib u eegis lagu sameyn doono kursiga Hop#103 oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaas oo dhowaan doorashadiisa lagu qabtay magaalada Baydhabo, isla-markaana uu ku soo baxay Mudane Maxamed Cali Xasan oo ka tirsanaa wasiirada Koonfur Galbeed.

“Baaritaanno ayaan ku sameyn doonaa kursiga HOP#103 ee uu hakiyay Guddiga Doorashooyinka FEIT, Dadka ay quseyso waan la kulmi doonaa si aan u fiirino cabashooyinka kasoo laabtay” ayuu markale hadalkan ku yiri guddoomiye Cirro.

Kursigan ayaa khilaaf horleh dhaliyey, kadib markii guddiga doorashada ee heer federal uu hakiyey qabashada doorashadiisa, halka guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed uu ku gacan seeray go’aankaasi, kadibna uu qabtay doorashada.


Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay qeylo dhaanta ka timid ‘boobka’ socda ee doorashada 2021, waxaana arrintan ay dhalisay in go’aano culus ay soo saaraan xubnaha golaha midowga musharixiinta mucaaradka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment