Wiilka Mucamar Qadafi oo madaxweyne ka noqon kara Libya sanado kadib dilka aabihii

Bulsha:-  Sayful Islam Qadafi, oo ah wiilka madaxweynihii hore ee Libya Mucamar Qadafi, ayaa isku sharxay xilka madaxweynaha Libya ee doorashada dhaceysa bisha December. 

“Sayful Islam Qadafi wuxuu murashaxnimadiisa usoo gudbiyey guddiga sare ee qaran ee doorashooyinka,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay guddiga.

Qadafi ayaa ah mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan ee la filayo inay u ordaan xilka madaxweynaha – liiskaas oo ay ku jiraan Jeneralka fallaagada ah Khalifa Haftar, ra’iisul wasaare Cabdulxamid Dabibah iyo afhayeenka baarlamanka Aguila Salax.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Qadafi oo garkiisu cirro ka buuxdo, islamarkaana xiran ookiyaale iyo qamiiska dhaqanka, oo warqadaha murashaxnimo ku saxiixaya magaalada Sebha, Axaddii. 

Inkasta oo shacabka iyo quwadaha shisheeye ay aad u taageerayaan doorashada la waqtiyeeyey 24-ka December, haddana waxaa ku hareereysan shaki badan, ayada oo kooxaha kala duwan ee dalkaas ay isku hayaan xeerarka iyo jadwalka doorashada.

Doorashada ayaa loo arkaa marxalad muhiim u ah heshiiska nabadeed ee QM ee taageereyso ee lagu soo afjarayo 10 sano oo dagaal sokeeye uu ka socday dalkaas, kadib markii madaxweyne Qadafi xukunka looga tuuray kacdoon dadweyne, 2011-kii.  


Qadafi ayaa horey maxkamad ku taalla Tripoli waxay dil ugu xukunktay dambiyo dagaal. Sidoo kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa u raadineysa dambiyo dagaal.

Ibrahim Fraihat oo ka tirsan Machadka Doha ayaa sheegay in Sayful Islam uu taageero ka haysto kuwa daacadda u ah taliskii aabihiis iyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Libya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment