Maxkamadda HOLLAND oo go’aan ka gaareysa khilaafka Masjidka Quba ee Soomaalida

Bulsha:-  Muran in mudo ah soo jiray oo u dhaxeeyay maamulka Masjidka Quba ee Soomaalida Holland oo ku yaal magaalada Amsterdam ayaa gaaray heer loo gudbiyo maxkamadda, islamarkaana ay go’aan rasmi ah ka gaari doonto todobaadyada soo socda.

Khilaafka maamulka Masjidul Quba oo guddiyo Soomaaliyeed ay xal ka gaari waayeen ayaa wuxuu u gudbay maxkamadda Amsterdam, waxaana suuragal ah in go’aanka maxkamadda ay soo saarto in maamulkiisa lagala wareego Soomaalida, maadaama ay ku heshiin waayeen.

Arrimaha muranka iyo khilaafka maamulka Masjidul Quba ayaa salka ku haayo dhinaca maaliyada iyo maamulka, wuxuuna khilaafkaani gundhig u ah Imaamka Masjidka Sheekh Suldaan Gasle iyo xubnaha guddiga Masjidka oo isku fahmi waayay maamulka maaliyada iyo maamulka khidmada ay bixiyaan Soomaalida Holland.

Adeegyada uu Masjidul Quba Soomaalida u haaya ayaa aad loo amaanay, waxaana ka mid ah adeegyadaasi in dadka Soomaaliyeed ee Holland ku nool ay ku jiraan ceymis uu bixiyo Masjidka oo dadka geeriyooda meydkooda loo qaadayo meel walba oo ay dalbadaan dadka bixiya ceymiska, waxbarashada diinta Islaamka iyo adeegyo kale.

Dadka Soomaaliyeed ee Holland ayaa hadda shaki ka qaba lacagaha ay ku taburacaan iyo dhaqaalaha kale ee ay ku bixiyaan ceymiska habka loo maamulo iyo in ay heli doonaan adeegyadii horay looga bartay.

Masjidul Quba oo ah masjid adeegyo kala duwan siiya Soomaalida maadaama ay dadka Soomaaliyeed ay iibsadeen, ayaa haddana ay ceeb iyo magac xumo u tahay in xarumihii diimaha ay Soomaalida ku heshiin waayeen.


Khilaafka ka dhasha maamulka Masjidyada ay Soomaalida maamulaan ayaa mudooyinkii danbe soo badanayay iyadoo wadamada Yurub iyo Ameeriko ay Soomaalida ku kala qeybsameen xitaa maamulka Masaajidka oo ah guriga Alle ee lagu cibaadeysanayay, waxaana horay murano heer dowladdaha ay la nool yihiin soo farageliyay ka mid ah masjid ku yaal Swedan iyo midkii ugu danbeeyay ee degmada Shibis ku yaal kaasoo albaabada la iskugu dhuftay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment