Saddex arrin oo hortaagan in Farmaajo uu magacaabo taliyaha cusub ee NISA

Bulsha:-  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli ka caga jiidaya inuu soo magacaabo taliyaha cusub ee Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ku dhawaad todobaad ayaa laga joogaa markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ay ka heshiiyeen khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey in mudo ah.

Waxyaabihii ay labada nin ku heshiiyeen waxaa ku jirtay magacaabista Taliyaha NISA oo ka imaanaya dhanka Farmaajo, balse ay khasab tahay inuu Ra’isul wasaare Rooble ogolaado qofkaas.

Illaa hadda waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan Ra’isul wasaaraha u soo gudbin qofka uu rabo inuu Taliyaha NISA ka dhigo, si Rooble uu qofkaas u soo akhriyo una soo aqbalo ama u diido.

Waxaa jira dhowr qof oo madaxweyne Farmaajo xagiisa ah oo raadinaya kursigaan, waxaana kamid ah Cabdi Cali Raage oo la taliyeyaasha Farmaajo kamid ah, Cabdiraxmaan Dheere oo Farmaajo iyo Fahad ka dhaxeeya, Abuukar Qoryooley oo wasiir ka ah Galmudug dhanka Yaasiina xiga iyo xubno kale oo qaar Villa Somalia xilal ka hayaan oo dhinaca kalena qaraabo la ah taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaxaji Daahir.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in uusan madaxweyne Farmaajo rabin inuu magacaabis sameeyo, inta ka harsan doorashada oo uu rabo inuu Yaasiin Farey sii joogo NISA, si aan loo bilaabin baarista kiiska Ikraan Tahliil, dhinaca kalena uu Fahad Yaasiin dood la’aan u doonto kursigiisa xildhibaanimada.

Yaasiin Farey waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid kamid ah ku simayaashii faa’iday intii uu xafiiska joogay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha mudada ka dhammaatay waxaa lagu xasuustaa inuu dhowr ku sime u magacaabay shaqooyin kala duwan dabadeedna uu u dhaafay oo ay xafiiska ugu dambeyn toos ula wareegeen. Inuu madaxweyne Farmaajo magacaabo Taliyaha cusub ee NISA waxaa hoos taalla seddex arrimood .

1 – Fullinta heshiiskii isaga iyo Rooble

Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu fuliyey dhowr waxyaabood oo kamid ah heshiiskii isaga iyo Farmaajo, laakiin illaa hadda qodobkii ugu weynaa ee heshiiska oo dhanka Farmaajo jiray ayaan weli la fulin.

Rooble waa u aamusan yahay Farmaajo, umana badna in uusan fahamsaneyn in fullintii heshiisku ay weli qabyo tahay. Haddii uu madaxweyne Farmaajo isku sii dhajiyo magacaabista taliyaha NISA, waxay ka dhigan tahay inuu ka baxay qeyb kamid ah waxyaabihii ay ku heshiiyeen isaga iyo Rooble.

2- Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Illaa hadda baarista kiiskan Ikraan Tahliil lama bilaabin, waxyaabaha hortaagana waxaa qeyb ka ah maamul la’aanta ka jirta xafiiska Hey’adda NISA.

Qoyska Ikraan waxay horay u sheegeen in aysan caddaalad heli karin gabadhooda illaa hoggaan madax banaan looga magacaabo hey’adda NISA.

Inuu Farmaajo kusii dhaganaado xilka Taliyaha NISA ayaa xoojin doonta eedeyntii aheyd inuu madaxweynaha si buuxda u diiday in kiiskaas si madax banaan loo baaro. Eedeyntaas waxaa horay u jeediyey qoyska gabadha maqan.

3 –  Reer Galbeedka

Wakiilada Caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya waxay sheegeyn intii uu socday khilaafka Farmaajo iyo Rooble in loo baahan yahay in hey’adaha Amniga loo dhiibo dad sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada, iyadoo la sheegay inay dhowr jeer Farmaajo iyo Rooble kala hadleyn inay u baahan yihiin dad lagu kalsoonaan karo oo madax u ah hey’adda Nabadsugidda oo ay la wadaagi karaan arrimaha sirdoon ee dalka iyo midka ku saabsan guud ahaan Gobolka.

Wuxuu hadalka beesha Caalamka ka dhigan yahay inay diidan yihiin in xilligaan xasaasi ah la shaqeeyaan kusimayaashii la isku heystay midkood. Weli reer Galbeedka waxay Farmaajo ka sugayaan isbadal dhinacaas ah.

Dadka arrintaan isha ku haya qaarkood waxay sheegayaan in Farmaajo uu la’yahay cid uu qaato oo uu Rooble aqbali karo, maadaama uusan Farmaajo dad wax ku ool ah abuuran mudadii uu xafiiska joogay, dhowrka qof ee la joogtana boosas badan ayey kusoo fashillmeyn qaarkoodna dadkii ayaa dhibsaday.

Dooq la’aanta laga soo warinayo madaxweyne Farmaajo waa mid kamid ah calaamadaha hoggaamiyaha iska ooday ummaddiisa.

Shacabka Soomaalida waxay weli Farmaajo iyo Rooble ka sugayaan in NISA loo dhiibo hoggaan cusub oo ka madax banaan eedaha kiiska Ikraan Tahliil si baaritaanka loo bilaabo.Saddex arrin oo hortaagan in Farmaajo uu magacaabo taliyaha cusub ee NISA
 
from Caasimada Online by Saalax Saciid Sabriye
Mon Nov 15 2021 03:00:49 (18 hours)
# 11.

Saddex arrin oo hortaagan in Farmaajo uu magacaabo taliyaha cusub ee NISA
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli ka caga jiidaya inuu soo magacaabo taliyaha cusub ee Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ku dhawaad todobaad ayaa laga joogaa markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ay ka heshiiyeen khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey in mudo ah.

Waxyaabihii ay labada nin ku heshiiyeen waxaa ku jirtay magacaabista Taliyaha NISA oo ka imaanaya dhanka Farmaajo, balse ay khasab tahay inuu Ra’isul wasaare Rooble ogolaado qofkaas.

Illaa hadda waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan Ra’isul wasaaraha u soo gudbin qofka uu rabo inuu Taliyaha NISA ka dhigo, si Rooble uu qofkaas u soo akhriyo una soo aqbalo ama u diido.

Waxaa jira dhowr qof oo madaxweyne Farmaajo xagiisa ah oo raadinaya kursigaan, waxaana kamid ah Cabdi Cali Raage oo la taliyeyaasha Farmaajo kamid ah, Cabdiraxmaan Dheere oo Farmaajo iyo Fahad ka dhaxeeya, Abuukar Qoryooley oo wasiir ka ah Galmudug dhanka Yaasiina xiga iyo xubno kale oo qaar Villa Somalia xilal ka hayaan oo dhinaca kalena qaraabo la ah taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaxaji Daahir.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in uusan madaxweyne Farmaajo rabin inuu magacaabis sameeyo, inta ka harsan doorashada oo uu rabo inuu Yaasiin Farey sii joogo NISA, si aan loo bilaabin baarista kiiska Ikraan Tahliil, dhinaca kalena uu Fahad Yaasiin dood la’aan u doonto kursigiisa xildhibaanimada.


Yaasiin Farey waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid kamid ah ku simayaashii faa’iday intii uu xafiiska joogay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha mudada ka dhammaatay waxaa lagu xasuustaa inuu dhowr ku sime u magacaabay shaqooyin kala duwan dabadeedna uu u dhaafay oo ay xafiiska ugu dambeyn toos ula wareegeen. Inuu madaxweyne Farmaajo magacaabo Taliyaha cusub ee NISA waxaa hoos taalla seddex arrimood .

1 – Fullinta heshiiskii isaga iyo Rooble

Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu fuliyey dhowr waxyaabood oo kamid ah heshiiskii isaga iyo Farmaajo, laakiin illaa hadda qodobkii ugu weynaa ee heshiiska oo dhanka Farmaajo jiray ayaan weli la fulin.

Rooble waa u aamusan yahay Farmaajo, umana badna in uusan fahamsaneyn in fullintii heshiisku ay weli qabyo tahay. Haddii uu madaxweyne Farmaajo isku sii dhajiyo magacaabista taliyaha NISA, waxay ka dhigan tahay inuu ka baxay qeyb kamid ah waxyaabihii ay ku heshiiyeen isaga iyo Rooble.

2- Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Illaa hadda baarista kiiskan Ikraan Tahliil lama bilaabin, waxyaabaha hortaagana waxaa qeyb ka ah maamul la’aanta ka jirta xafiiska Hey’adda NISA.

Qoyska Ikraan waxay horay u sheegeen in aysan caddaalad heli karin gabadhooda illaa hoggaan madax banaan looga magacaabo hey’adda NISA.

Inuu Farmaajo kusii dhaganaado xilka Taliyaha NISA ayaa xoojin doonta eedeyntii aheyd inuu madaxweynaha si buuxda u diiday in kiiskaas si madax banaan loo baaro. Eedeyntaas waxaa horay u jeediyey qoyska gabadha maqan.

3 –  Reer Galbeedka

Wakiilada Caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya waxay sheegeyn intii uu socday khilaafka Farmaajo iyo Rooble in loo baahan yahay in hey’adaha Amniga loo dhiibo dad sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada, iyadoo la sheegay inay dhowr jeer Farmaajo iyo Rooble kala hadleyn inay u baahan yihiin dad lagu kalsoonaan karo oo madax u ah hey’adda Nabadsugidda oo ay la wadaagi karaan arrimaha sirdoon ee dalka iyo midka ku saabsan guud ahaan Gobolka.

Wuxuu hadalka beesha Caalamka ka dhigan yahay inay diidan yihiin in xilligaan xasaasi ah la shaqeeyaan kusimayaashii la isku heystay midkood. Weli reer Galbeedka waxay Farmaajo ka sugayaan isbadal dhinacaas ah.

Dadka arrintaan isha ku haya qaarkood waxay sheegayaan in Farmaajo uu la’yahay cid uu qaato oo uu Rooble aqbali karo, maadaama uusan Farmaajo dad wax ku ool ah abuuran mudadii uu xafiiska joogay, dhowrka qof ee la joogtana boosas badan ayey kusoo fashillmeyn qaarkoodna dadkii ayaa dhibsaday.

Dooq la’aanta laga soo warinayo madaxweyne Farmaajo waa mid kamid ah calaamadaha hoggaamiyaha iska ooday ummaddiisa.

Shacabka Soomaalida waxay weli Farmaajo iyo Rooble ka sugayaan in NISA loo dhiibo hoggaan cusub oo ka madax banaan eedaha kiiska Ikraan Tahliil si baaritaanka loo bilaabo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment