Maxaa laga damacsanaa sawirka muranka dhaliyey ee lamaane Israeli ah ay ka qaadeen guriga Erdogan?

Bulsha:- Maxkamad ku taalla magaalada Istanbul ayaa lamaane Israeli ah ku eedeysay “basaasnimo” kadib markii sida la tuhunsan yahay ay sawir ka qaadeen guriga madaxweyne Erdogan ee magaalada.

Lamaanaha ayaa la xiray Khamiistii kadib markii ay booqdeen minaaradda Camlica oo sanadkii tegay laga furay degmada Uskudar ee dhinaca Asia ee Istanbul.

Waxaa ku yaalla maqaayado iyo goobo dalxiis, halka sidoo kalena guriga madaxweyne Erdogan uu ku yaallo degmadaas.

Lamaanaha oo warbaahinta Israel ay magacyadooda ku sheegeen Mordy iyo Natalia Oknin ayaa Jimcihii la geeyay maxkamad ku taalla Istanbul, halkaasi oo xaakimka uu ku eedeeyey “basaasnimo siyaasadeed iyo mid militari,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

Qof ka shaqeeya minaaradda ayaa sheegay in lamaanaha Israa’iliyiinta ah iyo muwaadin Turkish ah “ay soo galeen minaaradda, kadibna ay sawirro ka qaadeen guriga Erdogan,” sida ay ku warrantay Anadolu. 

Wasiirka arrimaha dibedda Israel Yair Lapid ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku adkeystay in labadaas qof “aysan u shaqeyn wax hay’ad Israeli ah.” 


Lapid ayaa qoyska lamaanaha u sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso in xal loo helo kiiskooda.

Xiriirka Israel iyo Turkey ayaa aad u xumaa, tan iyo markii ay safiirada kala qaateen 2018, kadib markii Yahuudda ay dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah ku dileen Gaza.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment