Taliska Booliska oo digniin kasoo saaray dhaca & Anshax xumada ka socota Tiktok

Bulsha:-  Kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen Taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay digniin adag kasoo saareen dhaca kooxaha burcadda ah iyo falalka anshax xumada ah ee kasocda baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok.

Kulanka oo uu ahir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa Amniga Caasimadda maadaama la galayo doorashooyin.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay aad ugu soo bateen magaalada Muqdisho dhaca loo geeysanayo Shacabka, isla markaana arrintaasi tallaabo deg deg ah u qaadi doonaan.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa ku amray Saraakiisha Ciidanka booliska ee uu la shiray inay wax ka qabtaan Dadka waxyaabaha anshax xumada ah kusoo bandhigaya Baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktok.




Warkaan kasoo baxay Taliska Booliska Somalia ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii la soo dhaafay qaar kamid ah Shacabka Muqdisho ay ka cabanayeen dhac loo geeysanayay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment