Soomaaliya oo Midowga Afrika kala hadashay la wareegidda waajibaadka amni ee dalka

Bulsha:- Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa kala hadlay ergeyga Midowga Afrika u diyaargarowga Ciidamada Soomaaliya la wareegidda waajibaadka amni ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay Muqdisho, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, waxa uu kala hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.

 











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment