Bulsha:- Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga uu saaka ka socda bannaanbax looga horjeedo Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.
Dadweyne faro badna oo ka mid ah shacabka ku nool Jigjiga ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn iyagoo taageero u muujinaya ciidamada Milatariga Itoobiya ee dagaalka kula jira jabhadda Tigreeyga ee TPLF.
Dadkan banaanbaxaya ayaa waxa ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah jabhada TPLF iyo ereyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF.
Banaanbaxan ayaa ku soo beegmay xilli xalay uu Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida la kulmay waxgaradka iyo ururada bulshada Ismaamulka Soomaalida una sheegay inaysan dan ugu jirin in dalka ay qabsadaan TPLF ayna waajib tahay inay ka hortagaan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment