Taliska AFRICOM oo soo farageliyay dagaalka uu Saciid Deni ku hayo ciidamada PSF-ta

Bulsha:- Waxaa weli Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka taagan xiisadda u dhaxeeysa Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland iyo Xukuumadda Puntland, taas oo ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweyne Deni uu ku sameeyay Agaasimaha Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Ciidamada PSF &Saraakiishooda ayaa soo baneeyay todobaadkii hore furumaha dagaalka ee duleedka Boosaaso, waxaana ay sicad u sheegeen in aysan ka amar qaadan Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in xiisadda labada dhinac uu soo farageliyau Mareykanka maadaama uu tababaray, sidoo kalena uu mushaar siiyo, waxaana la filayaa in saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ay todobaadkan yimaadeen Caasimadda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Saraakiisha ayaa waxaa ay marka hore kulan la qaadan doonaan Madaxweyne Deni oo ku sugan Garoowe, waxaana ay u sii gudbi doonaan Magaalada Boosaaso, si ay ula kulmaan Saraakiisha Ciidamada PSF ugalana hadlaan in xaaladda la qaboojiyo si uusan dagaal uga dhicin Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu todobaadkaan tagayo Magaalada Boosaaso si uu uga qeyb qaato dejinta xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii uu ku sameeyay Agaasimaha Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

In kastoo xaaladda Magaalada Boosaaso ay degan tahay ayaa hadana waxaa ku wada sugan Ciidamada PSF,ta Puntland iyo kuwa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyada oo dadka qaar ay sheegayaan inay cabsi soo wajahday.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment