DEG DEG :- Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Midowga Musharrixiinta

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Golaha Midowga Musharraxiinta oo walaac ka muujinayay hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Midowga Musharrixiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen doorashooyinka dalka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka Soomaaliya

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xubnaha Midowga Musharrixiinta ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha in doorashada Golaha  Shacaabka ay ku socoto hanaan sharci darro oo boob ah, isla markaana dad xaq u lahaa in ay tartamaan kuraasta qaar laga reebay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u sheegay Midowga Musharrixiinta in uu ka Shaqeyn doono sidii si hufan ugu dhici laheyd dooraashada Golaha Shacabka maadaama Xukuumaddiisa lagu  aaminay.


Maalmihii la soo dhaafay ayaa midowga Musharrixiinta mucaaradka waxaa ay cadeeynayeen in boob lagu haayo kuraastaa Golaha Shacabka, iyaga oo qaadacayay sida ay u socdaan doorashooyinka, isla markaana ay dalbadeen in hanaan xor iyo xalaal ah in doorashada lagu qabto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment