COVID-19:- Sacuudi Carabiya oo dalkeeda ka mamnuucday dadka 14 dal oo Afrikaan ah

Bulsha:- Sacuudi Carabiya ayaa maanta hakisay duuliimaadyada aadaya iyo kuwa ka imanaya dalalka Malawi, Zambia, Madagascar, Angola, Seychelles, Mauritius, iyo Comoros sababo la xiriira dillaaca nooc cusub oo ah fayruska cudurka COVID-19 oo lagu magacaabo Omicron.

Warkan ayaa waxaa shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 

Boqortooyada ayaa sidoo kale hakisay inay dalkeeda soo galaan dadka aan Sacuudiyaanka aheyn ee sida tooska ah ama aan tooska aheyn uga imanaya dalalka kor ku xusan, marka laga reebo kuwa dalal kale soo joogay wax aan ka yareyn 14 maalmood.

Kuwaas loo ogol yahay inay soo galaan ayaa marka ay Sacuudiga yimaadaan ku qasbanaan doona inay is-karantiilaan shan maalmood, ayada oo aan loo eegi doonin inay ka tallaalan yihiin cuduka COVID-19 iyo in kale.

Waxaa sidoo kale laga rabaa inay haystaan shahaado muujineysa inay iska baareen cudukra COVID-19 oo laga waayey.

Go’aanka maanta ayaa yimid ayada oo Sacuudi Carabiya ay horey u joojisay duulimaadyada aadaya iyo kuwa ka imanaya toddoba dal oo Afrikaan ah, sababo la xiriira cabsida faafitaanka nooca cusub ee cudurka COVID-19.

Toddobadaas dal ayaa ayaa kala ah; South Africa, Namibia, Botswana, Zimbabwe, Mozambique, Lesotho iyo Eswatini.

Tani waxay tirada guud ee dalalka Afrikaanka ah ee ay Sacuudiga mamnuuceen duulimaadyadooda iyo dadka ka imaneya ka dhigeysaa 14.

Nooca cusub ee COVID-19 oo Omicron ayaa dhowaan lagu arkay dalka South Africa, waxaana dalalka ay Sacuudiga mamnuuceen badankood ay yihiin kuwa deris la ah ama ku dhow dalkaas.

Dalal badan oo caalamka ka mid ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub ayaa sidoo kale joojiyey duulimaadyada South Africa iyo dalal badan oo ku yaalla Koonfur Afrika, sababo la xiriira cabsida laga qabo Omicron.  

Omicron ayaa lagu warramay inuu yahay nooc halis ah, oo xitaa ay adag tahay in tallaalka COVID-19 uu ka hortago, inkasta oo uu cusub yahay oo weli aan xog badan laga hayn.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment