Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Magaalada Baydhabo

Bulsha:- Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa ay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku qabteen doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kursiga koowaad oo ah HOP#180 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Daahir Cabdi Cabdulle Dr. Go oo ka tanaasulay , balse waxaa Maanta ku tartamay Saadaad Maxamed Nuur Aliyow Wasiirkii ugu horreeyay ee Wasaatadda Waxbarashada KGS  & Maxamed Axmed Maxamed, waxaana kursiga kusoo baxay Saadaad Maxamed Nuur Aliyow oo helay Codad dhan 87 Cod halka musharrixii la tartamayey ee Maxamed Axmed Maxamed uu heley codad dhan 9 Cod, waxaana halaabay 4 Cod.

Saadaad Maxamed Nuur Aliyow ayaa waxaa uu ka tirsan yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADAJIR, wuxuuna yahay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbigaas, waxaana isaga oo goobta doorashada ka hadlay uu sheegay in si cadaalad ah ay u dhacday.

Kursiga labaad ee HOP#213 oo uu horay ugu fadhiyay Yacquub Cali Maxamed ayaa waxaa Maanta ku tartamay Aamina Maxamed Mursal oo ah la-taliyaha dhinaca Haweenka & xaquuqul insaanka ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Aamino Xuseen, waxaase kursiga kusoo baxday Aamina Maxamed Mursal oo heshay Codad dhan 79 Cod halka musharrixii la tartamayey ee Aamina Xuseen ay heshay codad dhan 12 cod, Waxaana halaabay 6 Cod.

Kursiga Saddexaad ee HOP154 ayaa waxaa ku guuleysatay Sareeda Maxamed Cabdala oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay, waxaana ay heshay Codad dhan 89-cod halka musharaxii la tartamaysay ee  Fardowsa Ibraahim Cabdi ay heshay 8-cod, Waxaana halaabay 4-cod.


Maanta ayaa qorshuhu ahaa in la doorto ilaa Afar kursi, waxaana dib loo dhigay kursigii uu ka geeriyooday Alle u Naxariistee Maxamuud Maxamed Bono ee HOP193, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu ilaa iyo hadda qabtay doorashada 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment