Bulsha:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Moxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaaalada Kismaayo ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howglalka AMISOM oo Maanta gaaray halkaas.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka.
Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Jubbland Janaraal Yuusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo saraakiisha hay’adaha amniga.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu kulan la qaatao Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo, si uu ugala hadlo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment