Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo Guddiyada doorashooyinka ku amray ilaalinta hufnaanta doorashada

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga ee Aalada zoomka shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray Guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Waxaa uu sheegay in marnaba aysan ka aqbaleyn guddiyada hufnaanta la’aanta doorashada maadaama ay kordheyn cabashooyinka la xiriira doorashada, wuxuuna ku amray in aysan qaban karin doorashada kursi ay cabasho ka taagan tahay.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay kordheen cabashooyinka laga muujinayo doorashooyinka Golaha Shscabka ee laga bilaabay degaannada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay kulan waqti dheer qaatay la yeeshay Midowga musharrixiinta oo walaaca ugu badan ee doorashooyinka muujinayay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu kulan khadka internet-ka ah uu la qaato Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment