DEG DEG: Deni oo hanjabaad culus kasoo saaray tallaabadii ay qaadeen ciidamada daraawiishta

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay tallaabadii ay maanta ku dhaqaaqeen Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo u goostay dhanka PSF, oo si weyn isku hayaan madaxweynaha.

Saciid Deni ayaa ku hanjabay in uusan marnaba cid kala gorgortami doonin ilaalinta sharciga, isagoona sheegay in ciidamadaas ay ka ciqaab weyn yihiin dadka shacabka, haddiii ay jabiyaan sharciga ciidamada.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in cidkasta ay sharciga ilaaliso, weliba si gaar ah Ciidamada kala duwan ee Puntland oo ka dhawaajiyey in dhismahooda waqti badan ku bixiyay maamulku.

“Waxa Puntland ay Ciidamada u dhiseyso oo dhaqaalaha u gelineyso waa in sharciga uu sareeyo, waxaan u dhaartay waa ilaalinta sharciga, midaasna cid aan kala gorgortamayo ma jirto,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu intaas kusii daray in dowladnimadu ay tahay ciidan hadii la waayana ay dhaceyso fowdo ayna meesha ka baxeyso dowladnimada, isla markaana muhiim ay tahay in dal walba uu yeesho Ciidamo sharciga ilaaliya.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imanaya kadib markii ay maanta Askar ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ay ka soo baxeen difaacyada aaga Kalabeydh una wareegeen dhinaca ciiidamada PSF oo uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa waxay sheegeen inay difaacyada uga soo baxeen duruufo kala duwan iyo in xukuumadda Deni ay dooneyso inay ciidamada iska horkeenaan.

Saraakiisha ciidamada PSF ee ciidamadaan soo dhaweeyay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan ciidamada kale ee Puntland oo hal cadaw ay leeyihiin, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan ciidamo kasta oo dhankooda soo aadaya.

Xiisada ciidamada PSF iyo Saciid Deni ayaa ka bilaabatay xil ka qaadista uu madaxweynaha ku sameeyay Agaasimihii ciidamadaas Maxamuud Cismaan Diyaano, taasi oo ay si adag uga horyimaadeen ciidamada PSF.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment