Midowga Musharrixiinta oo shaaciyay in ay ka hortagayaan doorashada boobka ah.

Bulsha:- Waxaa Maalintii Afaraad oo xiriir ah uu shir uga socdaa Magaalada Muqdisho Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha, kaas oo ay kaga hadlayaan xaaladda dalka & Arrimaha doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa ay uga hadlayaan arrimo ku saabsan doorashooyinka & sidii looga hortegi lahaa boob ay sheegeen in lagu haayo doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Musharrax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Midowga Musharrixiinta Mowqifkoodii ku aadanaa arrimaha socda aysan jirin wax iska bedelay ayna aaminsan yihiin in waxa socda ay yihiin boob qaawan oo aan doorasho lagu sheegi karin.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay weli wadaan kulamadooda kala duwan, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay saamileyda siyaasadeed saxaan qalalaadka kajira doorashada si loogu gudbo hanaan doorashooyin oo la aqbalsan yahay.

Golaha Midowga Musharrixiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay walaac ka muujinayeen sida ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, iyaga oo dalbanayay in la joojiyo.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment