Jabuuti oo heshay diyaarad ay u adeegsato ciidamadeeda jooga Soomaaliya

Bulsha:- Dowladda Jabuuti ayaa heshay diyaaraddii labaad ee nooceedu yahay MA-60, taasoo ay u adeegsan doonto howlaha dhinaca gaadiidka hawada ee ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Diyaaraddan oo uu Shiinaha siiyay Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Jabuuti ku guddoomay wasiirka Gaashaandhigga ee dalkaas, Xasan Cumar.

“Ujeeddada diyaaraddan cusub waa in la xoojiyo awoodda ciidamada cirka ee Jabuuti iyo in sare loo qaado wax baaxaddooda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in diyaaraddan howsha ugu muhiimsan ee ay qaban doonto ay tahay mid la xiriirta dhinaca Soomaaliya.

“Diyaaraddan nooceedu yahay MA-60 waxaa inta badan loo isticmaali doonaa kala baddalidda askarta Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya”.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment